Liverpool Oo Wadnaha Farta Ku Haysa Xilli Kooxaha Doonaya Kabtankoodu Sii Badanayaan.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo biirtay tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe kooxda Liverpool ee Jordan Henderson sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer England ayaay 2 sano uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Liverpool waxana uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda kadib wadahadalo uu la qaatay kooxda.

Wargayska SportsMail ayaa sheegaya in ay wadahalada heshiiska cusub haatan bur-burineen taas oo keentay in ay kooxo badan xiiso u muujiyaan saxiixa xiddiga.

Kooxo waaweyn ee reer yurub ah ayaa durba xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe waxana maalinba maalinta ka dambaysa baacsiga ku biiraya kooxo kale oo waawey.

Kooxaha Atletico Madrid, Arsenal, PSG iyo Juventus ayaa haatan ah kooxaha sida Rasmiga ah xiisaha ugu muujiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee 31 jirka ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.


Source: laacibfm

SHARE