Man United Mise Arsenal? Kooxdee Ku Horaysa Baacsiga Loogu Jiro Ruben Neves.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay hogaamineyso loolanka loogu jiro saxiixa Xiddiga khadka dhexe ee Wolverhampton Wanderers Ruben Neves inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Portugal ayaa la filayaa in uu isaga tago Wolves xagaagan iyada oo Wolves diyaar u tahay in ay ku iibiso lacag dhan 35 milyan oo euro.

Arsenal ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddiga khadka dhexe, laakiin sida laga soo xigtay talkSPORT, Man United ayaa haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Portugal.

Wararka ayaa sheegaya in uu Bruno Fernandes xiddiga ku riixayo in uu ku soo biiro Man United iyada oo kooxda Red Devils doonayso saxiix cusub oo xiddig khadka dhexe ah.

Xiddiga 24 jirka ah ayuu 3 sano uga hadhsanyahay heshiiska uu kula jiro kooxda Wolves waxana uu doonayaa in uu ku biiro koox weyn oo premier League Ah.


Source: laacibfm

SHARE