RASMI: Arsenal Oo Xaqiijisay Lambarka Cusub Ee Uu Emile Smith Rowe U Xidhan Doono Kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay lambarka cusub ee xiddiga Emile Smith Rowe kaas oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda mustaqbalkiisa ugu hibeeay.

Xiddiga Emile Smith Rowe oo muhiim u ahaa kooxda Arsenal labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ayaa kooxda u xidhan jiray markii hore No.32 laakiin xiddiga ayaa haatan kooxda u qaadan doona lambar cusub.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in uu Emile Smith Rowe kooxda Arsenal u qaadan doono Lambarka No.10 wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka cusub isaga oo iska badalay lambarkiisii.

Xiddiga da’yarka ah ayaa Lambarka qaatay kadib markii uu Mesut Ozil ka tagay Lambarka kadib markii uu ka tagay kooxda suuqii January ee la soo dhaafay.

Image

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn


Source: laacibfm

SHARE