WARBIXIN: Ronaldo, Mbappe, Kane, Varane, White, Haaland & 10-ka Saxiix Ee La Filayo In Ay Dhacaan Suuqa Xagaagan.

Suuqa xagaaga ayaa maraya meel xasaasi ah iyada oo kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub doonayaan in ay xoojiyaan kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Waxa laga yaabaa in la arko saxiixyada ugu waaweyn in ay dhacaan xagaagan iyada oo xiddigo waaweyn ku biiri doonaan kooxo cusub sida Harry Kane, Erling Haaland Iyo Cristiano Ronaldo.

Wargayska SunSport ayaa soo saaray 10-ka saxiix ee laga yaabo in ay dhacaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

ERLING HAALAND

Chelsea ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay dalab 135 milayn ah ka gudbiso saxiixa xiddiga Erling Haaland iyada oo Blues doonayso in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe iyada oo xiddiga ka dhigatay bartilmaameedkooda 1-aad.

HARRY KANE

Kabtanka England ayaa dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda Tottenham kadib xilli ciyaareed kale oo koob la’aan ah waxana lala xidhiidhinayaa Man City iyada oo Citizen haatanba dalab 100 milyan ah ka gudbisay laakiin laga diiday dalabkaas.

Laakiin Man City ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay Tottenham u soo bandhigto xiddigaha Sterling, Jesus, Silva iyo Mahrez hadii ay u fududaynayso saxiixiisa.

Dhanka kale chelsea ayaa Harry Kane u doonaysa badalka Haaland waxana ay diyaar u yihiin in ay Timo Werner u soo bandhigaan Tottenham hadii ay ku fashilmaan saxiixa Haaland

KYLIAN MBAPPE:

Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga Mbappe waxana uu xiisohoodu jiray muddo dheer iyada oo ay Los Blancos doonayso in ay ku xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo taas oo dheeri galisay baacsiga Ral Madrid ee Mbappe.

DECLAN RICE:

Xiddiga khadka dhexe ee reer England ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay West Ham u soo bandhigtay kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay waxana si weyn loola xidhiidhinayaa chelsea oo uu ka soo baxay Akademiyadeeda waxana si weyn loola xidhiidhinayay Blues xiddiga ilaa xagaagii hore.

BEN WHITE:

Arsenal ayaa Brighton kala heshiisay saxiixa Ben White iyada oo ogolaato in ay bixiso 50 milyan oo euro si ay u hesho daafaca dhexe kadib markii laga diiday laba dalab oo hore.

Xiddiga ayaa haatan ku jira fasaxii xagaaga waxana la filayaa in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Arsenal kadib dhamaystiro heshiiskiisa.

LEON GORETZKA:

Man United, Real Madrid iyo Barcelona ayaa dhammaantood isku baacsanaya xiddiga khadka dhexe ee Leon Goretzka kaas oo 26 jir ah oo shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Bayern Munich, xiddiga ayaa lagu heli karaa lacag aad u jaban ama qaab xor ah xagaaga dambe.

RAPHAEL VARANE:

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa u muuqda mid doonaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid waxana uu haatanba wadahadalo kula jiraa kooxda Man United.

Kooxda Red Devils oo haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga ayaa la filayaa in ay todobaadkan dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga reer France.

CRISTIANO RONALDO

Kooxaha Juventus iyo PSG ayaa la sheegayaa in ay ka fiirsanayaan in ay is dhaafsadaan xiddigaha Ronaldo iyo Mauro Icardi suuqa xagaagan.

Kooxda PSG ayaa si weyn loo filayaa in ay xoojiso kooxdeeda si ay ugu guulaysato champions League xilli ciyaareedka dambe waxana ay doonaysaa Ronaldo, xiddiga reer Portugal ayaa dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda Juventus iyada oo kooxda reer Italy doonayso in ay hoos u dhigto mushaharka badan ee ay siiso xiddiga.

ROBERT LEWANDOWSKI:

Chelsea ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga reer Poland iyada o Blues diyaarinayso dalab Rasmi ah oo 50 milyan ah si ay xiddiga u keento Stamford Bride.

Blues ayaa doonaysa weeraryahan waxana ay Lewandowski u aragtaa xiddig badal u ah Erling Haaland hadii ay waydo xiddiga reer Norway.

RAHEEM STERLING:

Arsenal ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer England ee Man City.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa ka baxay qorshaha Pep Guardiola waxana uu booska u waayay xiddiga Phil Foden laakiin hadii ay Gunners ku fashilanto saxiixiisa Man City ayaa xiddiga ku dari doonta Kane.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn


Source: laacibfm

SHARE