XASAASI: Wakhtiga Uu Mohamed Salah Ku Biiri Doono Liverpool Oo La Ogaaday & Sababta Uu Ugu Biiri Doono.

Saxafiga reer Masar ee Bilal Allam, oo ka faallooda arrimaha kubbada cagta, ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah isaga oo sheegay in uu xiddigu dhawaan ku biiri doono Real Madrid sabab la xidhiidha tababare Carlo Ancelotti oo tababare u noqday Los Blancos.

Mohamed Salah ayaa dhawaan diiday in uu Albaabka ka xidho u dhaqaaqista horyaalka La Liga gaar ahaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona xilli uu waraysi siinayay wargayska MARCA.

Bilal Allam oo arintaas ka hadlaya bogiisa Twitter-ka ayaa qoray”Marka loo eego joogista Ancelotti oo horay koobab ugu guulaystay waxa ay dar-dar galin doontaa ku biirista Mohamed Salah ee Real Madrid wakhti dhaw”.

“Ancelotti waxa uu taageere u yahay Salah waxana uu xitaa isku dayay saxiixiisa intii uu tababaraha u ahaa kooxda Bayern Munich”ayuu sii raaciyay.

Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayay 2 sano ka dhimantahay waxana uu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa bilihii ugu dambeeyay iyada oo ay Real Madrid u aragto badalka Kylian Mbappe.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn


Source: laacibfm

SHARE