Liverpool Oo Garaacday Kooxda Mainz Kulankeedii 2-aad Ee Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Mainz kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee labada kooxood.

Klopp ayaa laba shaxood oo kala duwan ku soo galay kulanka iyada oo uu soo qadimay shax ay u badanyihiin xiddigaha kooxda 1-aad isaga oo fursad siinayay dhamaan xiddigaha tababarka qaatay.

Kooxda Mainz ayaa iska caabin xoogan kala hor tagtay kooxda Liverpool iyaga oo joojiyay xiddigaha ugu fiican Liverpool ee Mane iyo Salah oo ku bilowday kulanka.

Kooxda Mainz ayaa dhanka kale Liverpool dhawr jeer ku halis galisay weeraro rogaal celis ah iyaga doonayay in ay ka dhaliyaan gool kooxda Jurgen Klopp.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo Liverpool ku dhibaatootay in ay wax horumar ah ka samayso baasiga ay ugu jirto in ay gool ka dhaliso kulanka.

Qaybtii dambe ayuu Klopp is badal weyn ku sameeyay kooxdiisa isaga oo badalay dhamaan 11-kii xiddig ee ku bilowday ciyaarta isaga oo ku soo galay xiddigo u badan da’yar.

Sidoo qaybtii hore Liverpool ayaa ku dhibaatootay in ay saamayn ku yeelato ciyaarta inkasta oo ay wax walba u samaynayeen sidii ay u dhalin lahaayeen goolka hogaanka.

Daqiiqadii 86-aad ayay liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana si khaldan uga dhaliyay gool kooxdiisa xiddiga Luca Kilian kaas oo hogaanka u dhiibay Liverpool sidaasna ku siiyay guushoodii ugu horaysay ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa.


Source: laacibfm

SHARE