Barcelona Oo Garaacday Kooxda Girona & Depay Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha Barcelona Kulankiisii Ugu Horeeyay.

Kooxda Barcelona ayaa guul gaadhay kulankeedii 2-aad ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo garaacay kooxda Girona kulan uu Depay ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay.

Tababare Ronald Koeman ayaa ku soo galay laba shaxood isaga oo tijaabainaya dhaman xiddigaha uu kooxda ku hayso isaga oo wada helay intii badnayd xiddigaha kooxdiisa.

Xiddiga Gerard Pique ayaa goolasha furay isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 21-aad isaga oo dhaliyay gool uu kooxdiisa ugu dhiibay hogaanka.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 24-aad sii dheeraystay goolasha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Da’yarka ah ee wacdaraha dhigaya ee Rey Manaj kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Girona ayaa gool iska soo baday daqiiqadii 42-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay iyaga oo u uu dhaliyay xiddiga Samuel Saiz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Xiddiga Mephis Depay ayaa qaybtii dambe badal ku soo galay waxana uu daqiiqadii 85-aad dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona kadib markii uu gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.


Source: laacibfm

SHARE