Man City Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya In Ay 160 Milyan Ka Bixinayso Harry Kane?

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay si cad u sheegtay in ay diiday in ayna bixin doonin lacag dhan 160 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga waliba ayna diyaar u ahayn in ay bixiso lacagtaas.

Warkan ayaa imanaya kadib markii ay shalay soo bexeen warar sheegaya in ay ay Man City ogolaatay in ay 160 milyan ka bixiso xiddiga reer England si ay u keento Etihad.

Si kasta ha ahaatee wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay Man City gabi ahaan beenisay wararkaas waliba ayna diyaar u ahayn in ay lacagtaas ku bixiso hal xiddig oo kaliya.

Wararka ayaa sheegaya in uu Harry Kane bartilmaameed u yahay koxda Pep Guardiola laakiin ayna diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta la sheegay ee la isla dhexmarayo.

Kooxda Tottenham ayaa dhankeeda si cad u sheegtay in ayna diyaar u ahayn in ay iibiso xiddiga 27 jirka ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.


Source: laacibfm

SHARE