Man United Oo Heshay Wado Ay Arsenal Ugu Garaaci Karto Saxiixa Ruben Neves, Maxay Damacsantahay?

Kooxda Man United ayaa dar-dar galinaysa baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves si ay ugu xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Man United ayaa la filayaa in ay haatan suuqa u gasho saxiixa xiddig khadka dhexe ah waxana ay calaamadsatay xiddiga kooxda Wolves ee Ruben Neves Kaas oo uu doonayo xiddiga Bruno Fernandes.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Man United dajisatay qorshe ay doonayso in ay ku hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ruben Neves kaas oo u fududaynaya saxiixa xiddiga reer Portugal suuqa xagaagan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man United dhigeeda Wolves u soo bandhigi doonto xiddigaha Diogo Dalot, Eric Bailly, Dean Henderson Iyo Jesse Lingard si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Man United ayaa Neves u aragta badalka Macquulka ah ee xiddiga Paul Pogba kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda Man United inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.


Source: laacibfm

SHARE