Waa Maxay Sababta Ay Barcelona U Doonayso In Uu Cristiano Ronaldo Ka Tago Juventus, Ujeedo Ayay Ka Leeyihiin.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso xaalada Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus iyaga oo ka fikiraya mustaqbalka Antoine Griezmann.

Inkasta oo uu hal sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Juventus waxa lala xidhiidhinayaa in uu Ronaldo isaga tagi doono kooxda ka dhisan turin suuqa xagaagan.

Bixitaan kasta oo dhaca kooxda Juventus ayaa u baahan doonta badalkiisa kooxda Barcelona ayaana rajaynaysa in uu Xiddiga reer Portugal isaga tago kooxda si ay Juventus uga iibiyaan xiddiga Antoine Griezmann.

Barcelona ayaa dhankeeda doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Antoine Griezmann si ay hoos ugu dhigto mushaharka ay bixiyaan si ay heshiis cusub uga saxiixdaan Lionel Messi.

Sida laga soo xigtay wargayska Sport, Barcelona ayaa rajaynaysa in uu Ronaldo ka tago Juventus xagaagan si ay reer Italy uga iibiyaan xiddiga Antoine Griezmann si uu u noqdo badalka Ronaldo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.


Source: laacibfm

SHARE