Ben White Oo Maanta Tijaabada Caafimaadka U Mari Doona Arsenal

Xiddiga Ben White ayaa maanta tijaabada caafimaadka u mari doona Kooxda Arsenal si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biiri doono Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Kadib markii ay Arsenal dhigeeda Brighton kala heshiisay saxiixa xiddiga xiddiga 23 jirka ah ayaa noqon doona saxiixii 3-aad ee ay samayso kooxda Arsenal suuqa xagaagan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, xiddiga Ben White ayaa maanta oo Axad ah mari doona tijaabada caafimaadka kooxda Arsenal si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Gunners.

Xiddiga Reer England ayaa noqon doona daafac cusub oo Arsenal ah kadib markii ay kooxdu xagaagan iska dirtay xiddigaha daafaca ka ciyaara ee Sokratis, Shkodran Mustafi and David Luiz & William Saliba.

White ayaa xilli ciyaareedkii hore kooxda Brighton u saftay 36 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkii hore waxana uu sidoo kale ka qayb qaatay tartankii euro 2020.


Source: laacibfm

SHARE