Inter Milan Oo Chelsea U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Romelu Lukaku.

Kooxda Inter Milan ayaa chelsea u sheegtay in ay bixiso ugu yaraan lacag dhan 120 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Romelu Lukau suuqa kaal iibsiga xagaagan.

Kooxda ku guulaystay champions league ayaa suuqa ugu jira sidii ay u heli lahaayeen weeraryahan cusub waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo badan oo weerarka ka ciyaara intii uu furnaa suuqa xagaagan.

Xiddiga Erling Haaland ayaa ah dookha 1-aad ee kooxda chelsea laakiin Borussia Dortmund ayaa dalbanaysa lacag dhan 160 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga reer Holland.

Lukaku ayaa ah dookha 2-aad ee chelsea waxana ay kooxdu rajaynaysaa in ay hesho saxiixa xiddiga kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay kooxda Inter Milan.

Si kasta ha ahatee wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan kaliya aqbali doonto lacag dhan 120 milyan oo euro hadii ay doonayso in ay iibiso xiddiga reer Belguim.


Source: laacibfm

SHARE