Qorshaha Sirta Ah Ee Ay Barcelona Ka Damacsantahay Antoine Griezmann Hadii Uu Kooxda Ka Tagi Waayo Xagaagan Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa ka shaqaynaysa in ay hoos u dhigto mushahara ay bixiso iyada oo ay kooxdu doonayso in ay diwaan gashato xiddigaha cusub ee kooxda xiddigaha Xiddigaha Antoine Griezmann iyo Philippe Coutinho ayaa ka hor taagan arintaas.

Muhiimada Barcelona ayaa ah in ay xiddigahaas meesha ka saarto si ay u dhinto mushaharkooda waxana uu xiddiga Antoine Griezmann ogolaaday in uu ka tago kooxda laakiin waa hadii uu kaliya ku laabanayo Atletico madrid.

Waxa jiray wadahadalo is dhaafsi ah oo dhexmaray kooxaha Atetico Madrid iyo Barcelona oo la isku dhaafsanayay xiddigaha Antoine Griezmann iyo Saul Niguezlaakiin Atletico madrid ayaa diiday in ay lacag raaciso taas oo dishay heshiiska.

Barcelona ayaa keentay qorshe kale hadii uu Antoine Griezmann ka tagi waayo kooxda waana in ay dhinto dhamaan mushaharka xiddigaha kale si uu xiddigu isaga sii joogo kooxda.

Si kasta ha ahaatee imaatinka Memphis Depay ayaa ah mid u xun xiddiga Antoine Griezmann marka la eego in ay isku boos ka ciyaaraan waliba uu Ronald Keman si shaqsi ah u dalbaday xiddiga Depay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6-da Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Ku Soo Jiidan Kartid Dareenka Wiilka Aad Ka Heshay


Source: laacibfm

SHARE