Solskjaer Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Paul Pogba Iska Diiday Heshiis Cusub?

Ole Gunnar Solskjaer ayaa wali ku rajo weyn in Paul Pogba ka mid noqon doono kooxdiisa Man United xilli ciyaareedka dambe inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe diiday heshiis cusub oo kooxda ah.

Heshiiska xiddiga reer France ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu xor noqon doonaa xagaaga dambe isaga oo iska diiday heshiis cusub.

United ayaa diidan in ay lacag la’aan ku lumiso xiddigeeda waxana laga yaabaa in ay iska iibiso xiddiga xagaagan hadii uu diido heshiis cusub in uu saxiixo.

Laakiin Solskjaer oo heshiis cusub u saxiixay Man United ayaa diiday in uu xaqiijiyo ama beeniyo in uu Paul Pogba ku dhawyahay in uu ka tago kooxda.

“Mar walba waxa la hadal hayn doonaa Paul”.

“Wadahalada kooxda iyo wakiilada Paul way socdaan, mana sii dhex gali doono xog badan ma jirta wax intaas ka badan oo aan yidhaahd”.

Solskjaer ayaa wax laga waydiiyay xiisaha PSG ee Pogba waxana uu ku jawaabay”Mar walba waxa jiri doona kooxo xiisayn doona Paul”.


Source: laacibfm

SHARE