Timo Werner Oo Helay Wado Uu Kaga Baxsan Karo Chelsea.

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay xagaaga la soo wareegto weeraryahanka Chelsea Timo Werner.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa si joogto ah ugu ciyaaray chelsea xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo saftay 52 kulan tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay 12 gool 15 kalena caawiye ayuu ka noqda.

Werner ayaa kaliya dhaliyay 6 gool premier League waxa la aamisanyahay in ay chelsea doonayso saxiixa weeraryahan cusub inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddigaha Haaland iyo Lewandowski ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda chelsea waxana la filayaa innuu Werner booskiisa waayo hadii ay Chelsea hesho midkood weeraryahanadaas.

Chelsea ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay iska iibiso Werner isaga oo dhankiisa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Chelsea xagaaan.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Bayern Munich ayaa Werner u calaamadsatay badalka xiddiga Lewandowski kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa Kooxda Bayern Munich.


Source: laacibfm

SHARE