Whatiga Ay Man United Dhamaystiri Doonto Saxiixa Raphael Varane Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixa Raphael Varane dhamaystiri doonto todobaadka dambe kadib markii ay wadahalada u dhexeeya labada kooxood horumar sameeyeen maanta oo Axad ah sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Varane ayaa noqon doona saxiixii 2-aad ee weynaa ee ay Man United samayso suuqa xagaagan kadib markii ay horay u dhamaystirtay saxiixa xiddiga Jadon Sancho kaas oo ay kala doo wareegtay Dortmund.

Sida laga soo xigtay argayska reer France ee Le Parisien, Man United iyo Real Madrid ayaa aad ugu dhaw in ay ka heshiiyaan saxiixa Vrane.

Kooxda Man United ayaa bixin doonta lacag dhan 45 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa daafaca ay 12-ka bilood uga dhimanyihiin heshiiskiisa kooxda Real Madrid.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Varane ku biiri doono kooxda Man United dhamaadka todobaadkan haatan lagu jiro iyada oo uu xiddigu todobaadkan noqon doono xiddig Man United Ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6-da Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Ku Soo Jiidan Kartid Dareenka Wiilka Aad Ka Heshay


Source: laacibfm

SHARE