Heshiis Dhacay: Man United Oo Dhamaystirtay Saxiixa Raphael Varane.

Sida ay sheegayaan wararku Manchester United ayaa heshiis rasmi ah la gaadhay kooxda Real Madrid si ay u hesho saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Raphael Varane.

Varane ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ku biirista kooxda Man United iyada oo uu xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid suuqa xagaagan.

Idaacada quattro ayaa sheegaysa in ay kooxda Man United dhamaystirtay saxiixa xiddiga Varane waliba heshiis hordhac ah la gaadhay kooxda Real Madrid si ay u dhamaytirto saxiixa xiddiga.

Isla idaacada ayaa sheegayasa in ay Man United iyo Real Madrid isku af garteen lacag dhan 50 milyan oo euro si uu xiddigu ugu biiro kooxd premier League ka ciyaarta.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa soo afjaraya 10 sano oo uu joogay kooxda Real Madrid waliba kula guulaystay kooxda koobab badan oo ay ka mid yihiin champions League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ma ahan Qurux, Lacag, Labadan Arin Ku Dooro Gabadha Riyadaada


Source: laacibfm

SHARE