Man United Oo Badalka Paul Pogba Calaamadsatay, Waa Xiddig Liverpool Lala Xidhiidhinayo.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez si ay ugu bedesho Paul Pogba xagaagan.

Heshiisoa Pogba ee Man United ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana uu xiddigu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Red Devils.

Man United ayaa ka fiirsanaysa in ay iska iibiso xiddiga halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xiddiga xagaaga dambe.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Man United isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo badalka Rasmiga ah ee Paul Pogba waxana ay doonayaan saxiixa xiddiga Atletico Madrid ee Saul Niguez.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay saxiixa xiddiga Saul Niguez ku garaacdo kooxda Liverpool kuwaas oo doonaya in ay xiddiga 26 jirka ah u dhaqaaqaan suuqa xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE