Lautaro Martinez Oo Ka Jawaabay Dalabkii Ay Arsenal Ka Gudbisay Saxiixiisa

Xiddiga bartilmaameedka u ah kooxda Arsenal ee Lautaro Martinez ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday suurtagalnimada uu ugu biiri karo kooxda Arsenal suuqa xagaagan.

Weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa kaliya diyaar u ah in uu midkood ku biiro kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid hadii uu ka tagayo kooxda Inter Milan.

Kooxda Arsenal ayaa dalab waali ah ka gudbisay xiddiga reer Argentine iyaga oo doonaya in ay xiddiga keenaan premier League.

Laakiin Lautaro Martinez ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal iyo waliba horyaalka premier League.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa kaliya doortay in uu u dhaqaaqo kooxaha La Liga ee Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid isaga oo aan wax xiiso ah u qabin in uu u dhaqaaqo Emirates.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.


Source: laacibfm

SHARE