Raphael Varane Oo Haatanba Sii Codsaday lambarka Uu U Xidhan Doono Man United.

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn Real Madrid heshiis kala gaadhay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Raphael Varane kaas oo la filayo in uu si Rasmi ah u dhamaystiro heshiiskiisa todobaadka dambe.

Kooxda Man United ayaa 50 milyan oo euro ka bixinaysa xiddiga Varane iyaga oo ka dhigaya daacii 3-aad ee ugu qaalisan taariikhdeeda waxana ay isku diyaarinayaan in ay ku dhawaaqaan saxiixa xiddiga.

Wargaska Mirror ayaa sheegaya in uu Varane haatanba Maamulka Man United ka codsaday lambarka uu doonayo in uu u xidho kooxda marka uu ku soo biiro todobaadka dambe.

Varane oo Solskjaer ka dalbaday Lambarka No.4 oo uu ka soo xidhay kooxda Real Madrid iyo xulka qarankiisa France, laakiin xiddiga Phil Jones ayaa haatan xidha Lambarkaas.

Laakiin Varane ayay u rumoobi doontaa riyadiisa xidhashada Lambarka No.4 iyada oo kooxda Man United isku diyaarinayso in ay iska fasaxdo xiddiga Phil Jones kadib markii uu ka baxay qorshaha Solskjaer.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.


Source: laacibfm

SHARE