Klopp Oo Ka Hadlay Soo Laabashada Van Dijk & Gomez

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay farxadiisa ku aadan soo laabashada xiddiga Virgil Van Dijk kulankii ay Reds guuldarada kala kulantay kooxda Hethra Berlin kulan saabtinimo.

Daafaca dhexe Virgil Van Dijk ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay tan ilaa bishii October ee sanadkii hore isaga oo dhaawac kaga maqnaa kooxda Liverpool.

Sidoo kale xiddiga Joe Gomez ayaa u ciyaaray Liverpool markii ugu horaysay tan ilaa bishii November kadib markii uu ka dhaawacmay jilibka.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan ku faraxanahay, waxa ay ahayd dareen qurux badan, waxa uu ku bilowday si fiican isla markii uu soo galay”.

“Waxa aan aragnay wixii dhacay goolkii 4-aad Van Dijk si fiican ayuu u difaacday, wixii dhacayna way dhici karaan”.

“Van Dijk ma ciyaarin 285 maalin sidoo kale Gomez waxa uu maqnaa 260 sidaas darteed waxa ay qaadeen talaabo muhiim ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.


Source: laacibfm

SHARE