Man City Oo Rikoor Dhanka Suuqa Ingiriiska Ah Jibineysa , Dalab Madax Wareer A h Ayay Ka Geeyeen Jack Grealish

Man City ayaa diidan in ay gacan taagaan loolanka Grealish  waxa ayna maanta ka geeyeen dalab aad u sareeya

Wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya ain City geeyeen dalab gaaraya 100 milyan oo gini si 25 sano jirkaan u helaan xagaagaan

Haddii hishiiskiisa uu dhaco waxa uu noqonayaa hishiiskii ugu sareeyay kubadda Ingiriiska waxa uuna jibinayaa rikoorka Pogba u yaal kaasi oo 2016-dii Juve lagaga soo iibiyay 89 milyan oo gini

Aston Villa waxa ay dhankeeda dadaal ku bixineysaa in laacibka lagu qanciyo in uu joogo waliba hishiiskiisa wax laga badalo iyadoo laga dhigayo laacibka ugu mushaarka badan Aston Villa isaga oo qaadanaya 125 ku todobaadkii

Arintaan ayaa imaaneysa xilli la xusayo in City hishiiska shaqsiyadeed ay la gaareen Jack Grealish kaliyana la sugayo in kooxdiisa la meel dhigaan


Source: laacibfm

SHARE