Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Qaabkii Uu Sir Alex Ferguson Ugu Dhawaaday Saxiixa Raphael Varane

Ole Gunnar Solskjaer ayaa la siiyay fursadii ugu horaysaye e uu kaga hadli karo saxiixa cusub ee kooxdiisa ee Raphael Varane Waxana uu sheegay in uu Sir Alex Ferguson ku dhawaaday saxiixa xiddiga reer France.

Varane ayaa saxiixi doona heshiis 4 sao ah oo uu kula joogi doono Red Devils iyo hal sano oo dookh ah waxana uu maalmaha soo socda dhamaystiri doonaa heshiiskiisa.

“Varane waa mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican adduunka”ayuu Solskjaer yidhi.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan la soo saxiixanay Varane, sababta oo ah waa xiddig guulayste ah waxana aan sugaynay muddo sanado ah”.

“Waxa aan ogahay in uu Sir Alex aad ugu dhawaaday saxiixiisa sanado ka hor”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE