United Oo Shaacisay In Rashford Lagu Sameynayo Qaliin , Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqnaanayaa

Man United ayaa war ka soo saartay xaaladda Rashford kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay kala xaajoonayeen qaliin lagu sameynayo.

United waxa ay xaqiijiyeen in Rashford lagu sameynayo qalliin kala baxa garabka ah taasi oo muddo soo jiitameysay.

“Ka dib markii Rashford iyo taaqiirta kooxda lala tashtay waxa uu laacibka marayaa qaliin deg deg ah”ayaa lagu yiri qoraalka Twitter-ka ay soo dhigeen

Haddii qalinkaas lagu sameeeyo, Rashford waxa uu garoomada ka maqnaanayaa ugu yaraan sedex bil , waxa uuna mudadaas seegayaa 10-ka kulan ee horyaalka ugu horeeynaya kooxdiisa iyo 5 kulan oo qaranka ah oo ah is reeb reebka Yurub ee lagu soo baxayo koobka aduunka 2022-ka ee Qatar


Source: laacibfm

SHARE