DEG-DEG: Inter Milan Oo Ka Jawaabtay Dalab Rasmi Ah Oo Ay Arsenal Ka Gudbisay Saxiixay Lautaro Martínez.

Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab ay Arsenal ah oo ka koobnaa xiddigaha Hector Bellerin ama Alexandre Lacazette iyo waliba lacag kaash ah oo ay ku donaysay weeraryahanka Lautaro Martínez.

Sida laga soo xigtay wargayska Gazzetta, Inter Milan ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah ku keento xiddiga Bellerin laakiin ma doonayso in uu xiddiga reer Argentine ku jiro heshiiska.

Arsenal ayaa doonaysa saxiixa weeraryahanka Lautaro Martínez kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe waxana ay sidoo kale heshiiska ku dartay xiddiga Lacazette.

Inter Milan ayaa Lautaro Martínez ku qiimaysa lacag dhan 68 milyan oo ero mana doonayso in ay aqbasho wax xiddigo ah si ay u iibiso xiddiga iyaga oo kaliya doonaya lacag toos ah.

Sidaas darteed Inter Milan ayaa isla markiiba diiday dalabka Arsenal ee xiddigaha iyo lacagta ah ee ay Gunners ku donaysay saxiixa xiddiga reer Argentine ee Lautaro Martínez.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.


Source: laacibfm

SHARE