West Ham Oo Qaaday Arin Dabka Ku Shiday Wararka Liverpool La Xidhiidhinaya Jarrod Bowen

Xiddiga Liverpool bartilmaameedka u ah ee Jarrod Bowen ayaa laga reebay xiddigaha West Ham maanta uga qayb qaadan doona kulanka Brentford ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga reer England ayaa lagu qiimeeyaa 27 milyan o euro waxana uu ciyaaray 4 ka mid ah 5-tii kulan ee saaxiibtinimo ee ay ciyaartay West Ham ilaa haatan.

Laakiin xiddiga ayaa bartilmaameed u noqday Liverpool todobaadkii hore Waxana maqnaashihiida kulanka West Ham dabka ku shidayaa wararka xiddiga la xidhiidhinaya kooxda Liverpool.

Klopp ayaa Bowen u arka xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe waxana ay Reds suuqa ugu jirtaa badalka Shaqiri kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah so bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 8 gool 5 kalena caawiye ka noqday horyaalka premier League.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.


Source: laacibfm

SHARE