CHAMPIONS!! Kooxda Horseed Oo 40 Sano Kadib Markii Ugu Horaysay Ku Guulaystay Horyaalka Somali Premier League.

Kooxda Horseed ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka Somali Premier League kadib markii ay ku laagteen kooxda Mogaishu City Club kadib markii ay kooxda Mogaishu City Club diiday in ay ka qayb qaadato kulanka.

Sababo la xidhiidha muran ay la timid kooxda Mogaishu City Club waxa ay diiday in ay ka qayb qaadato kulankan kadib markii xidhiidhka kubada cagta Somaliya ku adkaysteen in maanta la ciyaaro kulanka halka kooxda Mogaishu City Club doonaysay in dib loo dhigo kulanka.

Garsooraha ciyaarta hogaaminayay ayaa bilaabay ciyaarta iyada oo ay isku taabteen kooxda Horseed kuwaas oo dhaliyay goolka guusha kadib markii ay ku laagteen kooxda Mogaishu City Club.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay koxda Horseed ku guulaystay horyaalka Somali premier League xilli ciyaareedkan kadib muddo 40 sano oo ayna ku guulaysan horyaalka Dalka.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.


Source: laacibfm

SHARE