Chelsea Oo Laga Diiday Dalabkii 2-aad Oo Ay Ku Doonaysay Romelu Lukaku.

Chelsea ayaa laga soo diiday laba dalab oo ay ka gudbisay weeraryahanka Inter Milan Romelu Lukaku xagaagan iyadoo baadi goobaysa weeraryahan cususb.

Sida laga soo xigtay Athletic, Blues ayaa muujineysa rabitaan xoogan oo ku aadan saxiixa xiddiga 28 jirka ah inkasta oo ay Inter Milan si cad u sheegtay in uuna xiddigu iib ahayn.

Lukaku ayaa dhaliyay 24 gool isaga oo Inter Milan ka caawiyay ku guulaysiga horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkii hore waxana uu qirtay in uu ku faraxsanyahay Inter Milan.

Si Kasta ha ahaatee chelsea ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga 28 jirka ah iyaga oo laba dalab miiska u saaray Inter Milan kuwaas oo labadoodaba la diiday intii uu furnaa suuqa xagaaga.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doonaya weeraryahan cusub oo uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedk cusub kadib markii uu Timo Werner ku dhibaatooday kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.


Source: laacibfm

SHARE