DEG-DEG: Harry Kane Oo U Gooyay Tababarka Tottenham Si Uu Kooxda Ugu Qabso In Ay Iibiso Xagaagan.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday in uu soo xaadiro tababarka kooxda kadib markii uu soo dhamaystay fasaxii xagaaga.

Kabtanka reer England ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Tottenham suuqa xagaagan iyada oo si weyn loola xidhiidhinayo kooxda Man City waxana la filayay in uu maanta soo xaadiro tababarka kadib markii uu soo qaatay fasaxii xagaaga.

Laakiin Sky Sport ayaa sheeaysa in uuna Kane iman tababarka halkaas oo uu ku mari lahaa tijaabada xanuunka Korona ka hor inta uuna bilaaban tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu u sheegay kooxdiisa in ay u ogolaato ku biirista kooxda Man City suuqa xagaagan isaga oo qirtay in uu doonayo ku biirista koox uu koobab kula guulaysan karo.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.


Source: laacibfm

SHARE