Hordhac:Horseed Vs Mogadishu City Club: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Kala Baxa Ah Ee Somali Premier League

Waxa maanta iska hor iman doona kooxaha moqdishu City Club iyo Horseed kulan kala bax ah oo ay labada kooxood ku kala bixi doonaan Horyaalka Somali Premeir League oo xiiso gaar ah lahaa xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay ku guulaystaan koobka horyaalka somali premier League xilli ciyaareedkan mid walba dadaal gaar ah u samaynayso.

Kooxda Mogdisho City Club ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay horyaalka markii 2-aad oo xidhiidh ah ku guulaystaan kadib markii ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaysteen horyaalka.

Dhanka kale kooxda Horseed ayaa doonaysa in ay ku guulaystaan horyaalka Somali Premeir League markii ugu horaysay muddo 40 sano ah iyaga oo aad ugu dhaw markan in ay soo afjaraan abaarta horyaalka.

Kulanka: Horseed Vs Mogadishu City Club

Tartanka: Somali Premier League

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo

Garoonka: ENG. Yariisow Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxaha Mogadishu City Iyo Horseed ayaa wada ciyaaray 6 kulan iyada oo ay Horseed badisay 2 kulan halka 4-ta kulan ee kale ku dhamaadeen bar-baro galee.

Horseed ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo 13 dhibcood ka qaatay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo waliba dhaliyay 10 gool 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxda Mogadishu City Club ayaa dhankeeda soo galaysa iyaga oo 6 dhibcood ka helay 5-tii kulan ee ugu dambaysay iyaga oo dhaliyay kaliya 4 gool 5-tii kulan ee ugu dambaysay.

Mogadishu City ayaa ku jirta rikoodh fiican oo kulamada martida ah iyaga oo aan laga badin 4-tii kulan ee ugu dambaysay.

Kooxda Horseed ayaan dhankeeda garoonkeeda looga badin 8 kulan oo xidhiidh ah waxana ay isha ku hayaan in aan laga badan kulan kale horyaalka.


Source: laacibfm

SHARE