Arsenal Oo Laba Xiddig Ka Doonaysa Kooxdii Ka Hadhay Premie rLeague Sheffield United

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo laba xiddig oo u ciyaara kooxda Sheffield United ee Sander Berge iyo Aaron Ramsdale ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Gunners ayaa si xoogan loola xidhiidhinayaa Goolhayaha kooxda Sheffield United ee Ramsdale kaas oo ay u doonayso in ay ku xoojiso Goolkeeda xilli ciyaareedka soo socda.

Dhanka kale wararka la xidhiidhinaya Arsenal xiddiga khadka dhexe ee Berge oo bilowday bilowgii sanadkan ayaa dib u soo cusboonaaday sanadihii ugu dambeeyay todoabadyadii ugu dambeeyay.

Sida laga soo xigtay StarSports kooxda Mikel Arteta ayaa si aad ah u doonaya saxiixa Labada xiddig inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaar u tahay in ay Goolhaye Ramsdale ka gudbiso dalabka ay Sheffield United doonayso oo ah lacag dhan 40 milyan oo euro halka ay xiddiga Berge u arkaan bartilmaameedkooda 1-aad ee khadka dhexe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.


Source: laacibfm

SHARE