Paris Saint-Germain oo diyaarineysa dalab qandaraas labo sano ah oo ay ku dooneyso Lionel Messi

Getty Image

Paris Saint-Germain ayaa isku diyaarineysa inay Lionel Messi u gacan geliso heshiis labo sano ah iyadoo u soo dhowaaneysa xiddiga reer Argentina garoonka Parc des Princes sida uu sheegay Fabrizio Romano .

Laacibka ku guuleystay lix jeer Ballon d’Or ayaa u muuqday mid ku tala jira inuu sii dheereeyo joogitaankiisa Barcelona oo kaliya caqabado dhaqaale si looga hortago inuu qalinka ku duugo heshiis cusub, waxaana ka bixitaankiisa Catalonia la xaqiijiyay fiidnimadii Khamiista.

PSG iyo Manchester City ayaa ahaa labada kooxood ee sida aadka ah loola xiriiriyay u dhaqaaqista Messi intii lagu guda jiray suuqii kala iibsiga ee sanadkii hore, laakiin Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada in kooxda heysata horyaalka Premier League ay u dhaqaaqdo weeraryahanka.

Natiijo ahaan, khabiirka suuqa kala iibsiga Romano ayaa soo wariyay in PSG ay “sidaas tahay, aadna ugu kalsoon tahay” fursadaha ay kula soo saxiixan karaan Messi waxayna isku diyaarinayaan qandaraas labo sano ah ilaa 2023 iyadoo dooq u leh 12 bilood oo kale.

Romano ayaa intaa ku daray in kooxda Mauricio Pochettino ay dalabka u soo bandhigi doonto Messi iyo aabihiis Jorge saacadaha soo socda, Neymar ayaana PSG ku riixayay inay heshiis ka hesho khadka.

Messi, oo hadda 34 jir ah, ayaa ka tagay Barcelona ka dib markii uu diiwaangeliyay 672 gool iyo 305 caawin 778 kulan oo uu saftay, isagoo kula guuleystay afar horyaal oo Champions League ah iyo 10 koob oo La Liga ah intii lagu jiray 16 sano oo cajiib ah oo uu ku jiray kooxda koowaad.

Chelsea ayaa sidoo kale loo saadaalinayaa inay u dhaqaaqdo wakiilka xorta ah kadib warka khamiista, iyadoo la sheegay in Roman Abramovich uu ku baaqay kulan degdeg ah si looga wada hadlo xaaladda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE