Sergio Aguero oo soo bandhigay go’ankiisa Madama Lionel Messi uu ka tagayo kooxda Barcelona

Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa inuu durba raadinayo inuu ka tago Barcelona , iyadoo weeraryahankii hore ee Manchester City uu ka naxay ka bixitaanka Lionel Messi ee Camp Nou.

Kooxda reer Catalan ayaa khamiistii ku dhawaaqday inaysan awoodi doonin inay cusbooneysiiyaan heshiiska Messi sababo la xiriira dhibaatooyin dhaqaale, waxaana weeraryahanka hadda la sheegayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro Paris Saint-Germain.

Aguero aya beeca xorta ah ugu soo biiray Barcelona, ​​waxaana la fahansan yahay in fursadda uu uga garab ciyaari karo saaxiibkiisa caalamiga ah ay sabab weyn u ahayd in weeraryahanku uu u dhaqaaqo Spain.

Sida laga soo xigtay Beteve , 33 jirkaan ayaa haatan doonaya inuu ka tago Camp Nou wuxuuna qareenadiisa ku amray inay dib u eegaan qodobada heshiiska uu saxiixay bilowgii bishii July.

Warbixinta ayaa sheegeysa in mustaqbalka Aguero ee Camp Nou, halkaas oo uu kula jiro heshiis ilaa June 2023, ‘uusan u muuqan mid wanaagsan’, taasoo heegan gelin doonta dhowr kooxood.

Barcelona ayaa habeenka axada la ciyaari doonta Juventus koobka Joan Gamper Trophy ka hor inta aysan bilaaban ololahooda La Liga ee 2021-22 oo ay gurigooda kula ciyaarayaan Real Sociedad Ogosto 15.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE