Arsenal oo laga badiyay, Liverpool oo bar-baro lagu qabtay, Real Madrid oo bar-bardhac la gashay Ac-Milan Natiijooyinka Kulamada Saaxiibtinimo

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

kulamo Saaxiibtinimo ayaa la ciyaaray kuwaasi oo kooxaha waaweyn iskugu diyaarinayaan xili ciyaareedka cusub ee bilaabanaya bahda ciyaaro.com ayaa soo koobeyso natiijooyinka kasoo baxay kulamada la ciyaaray.

Sharaxaada kulamada la ciyaaray

kooxda Arsenal ayaa booqasho ugu tagtay kooxda Tottenham halkaasi oo ay kasoo qaadatay guul daro ciyaar ku dhamaatay 1-0.

xidiga Heung-Min Son oo dhawaan heshiis u saxiixay kooxdiisa ayaana goolka guusha u dhaliyay kooxda daqiiqadii 80aad ee ciyaarta,

Liverpool ayaa la ciyaartay kulan saaxiibtinimo kooxda Athletic Bilbao waxayna ku kala baxeen 1-1 goolasha kulankan waxaa kala dhaliyay Diogo Jota oo Liverpool ah Daqiiqadii 13aad iyo Alex Berenguer daqiiqadii 53aad ee ciyaarta.

kooxda Feyenoord ayaa gurigeeda ku dubatay kooxda qaaday sanadkii hore horyaalka Spain ee Atletico madrid ciyaar khilaaf iyo dagaal uu hareereeyay,

Kooxda Feyenoord ayaa heshay goolka hore daqiiqadii 18aad waxana u saxiixay Bryan Linssen iyadoo qeybta hore lagu kala nastay goolkaasi waxana bilowga qeybta danbe ay Atletico Madrid ay heshay goolka bar-baraha Angel Correa daqiiqadii 83aad ee ciyaarta lakin dhamaadka ciyaarta ayaa gool loogu shubay kooxda Atletic Madrid ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-1.

labada kooxood ee Real Madrid iyo Ac Milan ayaa ku heshiiyay bar-baro goolal la’an ah.

Dhanka kale inter Milan ayaa booqasho ugu tagtay Parma waxayna ugu soo badiyeen 2-o xidigaha Marcelo Brozovic iyo Matias Vecino ayaa kala dhaliyay daqiiqadii 59aad iyo 69aad ee ciyaarta.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleRaheem Sterling oo Tixgalinaya in uu ka tago Manchester City Xagaagan


Source: laacibfm

SHARE