Barcelona oo isku dayeysa inay hor istaagto u dhaqaaqista Lionel Messi ee Paris Saint-Germain

Barcelona ayaa la sheegay inay dacwad u gudbisay Komishanka Yurub iyada oo rajaynaysa inay hor istaagto heshiiska uu Lionel Messi ugu soo biiri lahaa Paris Saint-Germain .

Kooxda reer Catalan ayaa awoodi weysay inay heshiis cusub ka saxiixato Messi xagaagan, waxaana la rumeysan yahay in xiddiga reer Argentina uu ku dhow yahay inuu aqbalo heshiis labo sanno ah oo uu ugu biirayo PSG.

Si kastaba ha ahaatee, Marca ayaa werisay in Barcelona ay isku dayayso inay ka hortagto in tallaabadan ay dhacdo, iyadoo ku andacoonaysa in Financial Fair Play ay suurtogal ka dhigi weyso in kooxda reer France ay la saxiixato wakiilka xorta ah.

“Saamiga PSG ee ku aaddan Financial Fair Play wuu ka xun yahay kan Barcelona,” ayaa lagu sheegay bayaankii uu Dr. Juan Branco u diray Maxkamadda Racfaanka isagoo matalaya Barcelona. 2019/20, 99% dakhliga PSG waxaa loo isticmaalay mushahar, halka uu ahaa 54% Barcelona. ”

PSG ayaa durbaba la soo wareegtay seddax ciyaaryahan si bilaash ah xagaagan, iyagoo keenay Georginio Wijnaldum , Sergio Ramos iyo Gianluigi Donnarumma .

Kooxaha Manchester City , Manchester United iyo Chelsea ayaa dhamaantood loo aqoonsaday inay xiiseynayaan Messi tan iyo markii uu soo baxay warka argagaxa geliyay dunida kubadda cagta habeenkii khamiista.

Xiddiga reer Argentine ayaa macsalaameeyay Barcelona intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ilmaynayay subaxnimadii Axadda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE