Jorginho oo ka hadlay in Chelsea ay lasoo wareegto xidiga Inter Milan Lukaku

ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ayaa taageeray in kooxda ay lasoo wareegto Inter Milan Weeraryahanka Romelu Lukaku .

Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay aqbashay dalab dhan 97.5 milyan oo ginni oo ay ku dooneyso adeega Lukaku Sabtidii.

Jorginho ayaa u sheegay TNT Sports : “Ciyaaryahan sida Lukaku hubaal waa ciyaaryahan wax badan soo kordhin lahaa .

“Qof kasta oo u yimaada inuu wax ku darsado wuu u qalmi lahaa. Bal aan aragno waxa xiga ee dhacaya.”

Jorginho ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhameystay ku guuleysiga Champions League iyo Euros.

“Ahmiyaddaydu waa inaan ku guuleysto koobabkan,” ayuu 29-jirkan raaciyay. “Waa wax lagu farxo go’ankan cusub.

“Waxa kaliya oo ay tahay in aan si adag uga shaqeeyo garoonka dhexdiisa, kor u qaadista koobab iyo biladaha in aan guriga u qaato, diiradaydu waa taas”.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE