Madaxa Bayern Munich Salihamidzic oo qirtay xiisaha Haaland

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Agaasimaha isboortiga Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa qirtay inay xiiseynayaan weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Haaland.

Salihamidzic ayaa sheegay in kooxdu ay noqon doonto mid awood leh haddii aay u dhaqaaqdo bartilmaameedka Manchester United iyo Manchester City Erling Haaland.

“Kani waa ciyaaryahan heer sare ah oo malaha dunida oo idil ay rabto. Dabcan halkaas ayaan anaga fiirineynaa.

Haaland ayaa lagu soo waramayaa in 75 milyan oo ginni lagu burburin karo qandaraaskiisa waxana xiiseenaya kooxaha chelsea, City iyo United.

Haaland ayaa dhankiisa xiiseenaya in uu sanad dheeri ah ku qaato kooxdiisa si uu u helo qibrad dheeri ah ka hor inta uusan ku biirin mid kamid ah kooxaha waaweyn.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleTottenham oo dooneysa inay Harry Kane ka iibiso Manchester City (Daily Star)


Source: laacibfm

SHARE