Manchester United oo ka badisay Everton kulan Saaxiibtinimo oo wada ciyaareen

kooxda Manchester United oo kulan Saaxiibtinimo ku dhacday kooxda Everton ayaa ugu badisay 4-0 ciyaar kulankaasi oo ka dhacay garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa kulankan iskugu diyaarineysa Xili Ciyaareedka Cusub ee bilaabanaya iyadoo fariin ugu dirtay kooxaha kale.

Sharaxaada Ciyaarta.

Dayarka kooxda United Mason Greenwood ayaa daqiiqadii 8aad u daah furay goolasha kulankan waxana goolka labaad ku daray Harry Maguire daqiiqadii 15aad ee ciyaarta iyadoo isla qeybta hore uu goolka Saddexaad ku soo qatimay Bruno Fernandes.

Qeybta hore ayaana lagu kala nastay 3 iyo 0 oo kooxda manchester united hogaanka ku heyso.

Kooxda Manchester United ayaana goolka Afaraad heshay daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta Xidiga Diogo Dalot ee kooxa ku cusub ayaana ka caawiyay guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-0.

Manchester United ayaa sanadkan isbadal cusub ka sameesya suuqa iyagoo lasoo wareegay ku dhawaad 2 Ciyaaryahan oo ay kasoo qaateen Dortmond iyo Real Madrid.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE