Romelu Lukaku ‘ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona Chelsea axada’

Romelu Lukaku ayaa tijaabada caafimaadka umari doona Chelsea axada ka hor inta uusan lacag badan uga dhaqaaqin Inter Milan , sida lagu sheegay warbixintii ugu danbeesay.

Inkastoo laacibka reer Belgium uu horay ugu adkeystay inuu ku qanacsan yahay San Siro, Chelsea ayaa la fahamsan yahay inay ogolaatay heshiis 97.5 milyan oo ginni ah si ay dib ugu soo celiso Stamford Bridge xilli ciyaareedka 2021-22.

Lukaku ayaa la filayaa inuu jeebka ku shuban doono 11 milyan oo ginni sanadkiiba kooxda Thomas Tuchel , waxaana uu haatan ku sii siqayaa saxiixa heshiis shanta sano ah.

Sida laga soo xigtay The Athletic , caafimaad marista Lukaku ee Chelsea ayaa ka dhici doona Belgium Axadda, 28 jirkana ayaa markaasi kadib imaanaya caasimadda Ingiriiska maalin kadib.

Lukaku ayaa hore u matalayay Chelsea muddo saddex sano ah intii u dhaxaysay 2011 iyo 2014, laakiin wuxuu ka tagay isagoo saftay 15 kulan oo kaliya wuxuuna ku guuldarreystay inuu shabaqa soo taabto waqtigaas.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United iyo Everton ayaa ka tagay Inter isagoo dhaliyay 64 gool 95 kulan oo uu u saftay Nerazzurri tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 24 gool 36 kulan oo Serie A ah intii lagu jiray xilli ciyaareedkii guusha ee kooxda ee 2020-21.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE