Sergio Aguero oo ka qeyb galay Casho Sagootin ah oo uu sameeyay Lionel Messi Xalay

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Lionel Messi ayaa gurigiisa ku casuumay dhowr saaxiibo oo aad isugu dhow fiidnimadii Sabtida si casho sagootin ah u sameestaan.

Marca ayaa werineysa in Messi uu qado sharaf sagootin ah ugu sameeyay saaxiibbadiisa iyo qoyskiisa gurigiisa ku yaal magaalada Barcelona ka dib markii lagu dhawaaqay Khamiistii inuusan sii joogi doonin Camp Nou.

Muuqaal ay baahisay idaacadda Spain ee Cadena Cope , Sergio Aguero ayaa lagu arki karaa isagoo gaarigiisa sii galayo guriga xidiga Lionel Messi

Xiddigaha kale ee ka soo qeyb galaya cashada ayaa ah ciyaartoy sida Sergio Busquets, Gerard Pique iyo Jordi Alba , oo ay weheliyaan lamaanayaashooda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleJorginho oo ka hadlay in Chelsea ay lasoo wareegto xidiga Inter Milan Lukaku
Next articleBartilmaameedka Chelsea iyo Manchester United ee Rice oo go’an ka qaatay Mustaqbalkiisa


Source: laacibfm

SHARE