Wakiilka Lautaro Martinez oo beeniyay in Xidiga uu ku biirayo Tottenham

Wakiilka Lautaro Martinez Alejandro Camano ayaa beeniyay wararka sheegaya in 23 jirka uu ku biirayo Tottenham .

Spurs ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis 60 milyan ginni ah la gaartay Inter Milan oo ku aadan weeraryahankooda iyadoo tababaraha kooxda Nuno Espírito Santo uu doonayo inuu labo weerar afka hore ka ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, Camano ayaa sheegay in macmiilkiisu ‘ku faraxsan yahay’ San Siro, inkasta oo uu xiiso ka helayo kooxo badan oo reer Yurub ah. 

Markii la weydiiyay mustaqbalka weeraryahanka, Camano wuxuu yiri: ‘Lautaro waa ciyaaryahan Inter wuxuuna ku faraxsan yahay Talyaaniga. Go’aankiisu waa inuu joogo.

Martinez ayaa la sheegay in uu muran dhanka qandaraaska ah kala dhexeeyo Inter Milan maadaama kooxdu aysan fulin karin dalabyadiisa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE