Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Barcelona oo Hor istaageysa ku biirista Messi ee PSG, Sergio Aguero oo Dhaxlaya Lionel Messi, Sheekada Raheem Sterling, Harry Kane iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ka dhaqaaqo Manchester City inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, maadaama xiddiga reer England uusan haatan ku faraxsaneyn kooxda. Sida laga soo xigtay Daily Mail

Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis shaqsi ah la gaaray Manchester City ka hor inta uusan ka dhaqaaqin Tottenham Hotspur . McGarry

Tababaraha Tottenham Nuno Espirito Santo ayaa sheegay inuu filayo inuu la hadlo Harry Kane mustaqbalka dhow ka dib markii weeraryahanka reer England uu dhowaan ku soo laabtay kooxda Goal

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa daafaca Atletico Madrid Kieran Trippier xagaagan. sida laga soo xigtay The Sun

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Mauro Icardi ayaa diirada u saaran kooxda Jose Mourinho ee Roma, Gazzetta dello Sport

Barcelona ayaa u gudbisay maxkamadda racfaanka ee Paris cabasho la xiriirta dhaqaalaha Paris Saint-Germain, iyadoo ujeedkeedu yahay inay hor istaagto u dhaqaaqista Lionel Messi ee caasimadda Faransiiska, sida ay qortay Marca .

Sampdoria ayaa wadahadalo kula jirta saxiixa qadka dhexe ee Milan Tommaso Pobega – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Newcastle United ayaa wadahadalo kula jirta saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Joe Willock 20 milyan ginni ($ 28m) – sida laga soo xigtay The Daily Mail .

Lionel Messi ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka u maro Paris Saint -Germain ka dib markii uu ka tagay Barcelona – sida laga soo xigtay L’Equipe .

Tottenham ayaa u muuqata inay Arsenal ku garaacday saxiixa weeraryahanka Inter Lautaro Martinez – sida laga soo xigtay The Times .

Mauricio Pochettino ayaa sii huriyay hadalkii ku saabsanaa suurtogalnimada uu Lionel Messi ku imaan karo Paris Saint-Germain kadib furitaankii Ligue 1 ee kooxdiisa, Goal

Sergio Aguero ayaa qarka u saaran inuu dhaxlo maaliyada No.10 ee Lionel Messi ee Barcelona – sida laga soo xigtay El Larguero .

Inter ayaa bartilmaameed ka dhigtay weeraryahanka Manchester United Anthony Martial – sida ay qortay The Mirror .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE