Chelsea oo aad u dooneysa inay hesho Koox iibsata Tammy Abraham

Chelsea ayaa si aad ah u dooneysa inay iibiso Tammy Abraham.

Blues ayaa u diyaarisay Abraham iibka horaantii xagaagan laakiin ilaa iyo haatan ma jirto koox la kulantay qiimihii ay ku dooneysay oo ahaa 40 milyan oo ginni.

The Daily Mail ayaa sheegay in Arsenal lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo weeraryahanka, 23 jirka ah kaasi oo ogolaan kara ku biirista Gunners.

Kooxda Mikel Arteta ayaa joogtaysay xiisihii ay u qabtay Abraham, si la mid ah West Ham.

Waxaana lagu soo waramayaa inay ku biireen Southampton iyo Atalanta , taasoo la micno ah in Abraham uu heli karo dalabyo dhowr ah oo uu kala doorto.

Chelsea ayaa kaliya dooneysa inay u fasaxdo Abraham si joogto ah.

Abraham ayaa hoos u dhigi doona dalabka ugu sarreeya haddii Lukaku yimaado si uu u xiiseeyo ku biirista Premier League ama u dhaqaaqista Atalanta .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE