Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Kroos: Waa wax lala yaabo Ramos la’aan; lakin lama yaabin haddii Mbappe yimaado

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos ayaa sheegay inuusan la yaabi doonin haddii ay la soo wareegaan xiddiga PSG Kylian Mbappe .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Jarmal ayaa la weydiiyay suurtagalnimada imaanshaha xiddiga reer France, iyo sidoo kale Erling Haaland lala xiriirinayay Los Blancos xilli hore.

“Waxaan doorbidayaa inaan ka hadlo saxiixyo horay loo dhameeyay,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BILD .

“Laakiin maadaama Real [Madrid] ay mar walba dooneyso waxa ugu fiican, lama yaabi doono.

Haaland waa hubaal inuu yahay ciyaaryahanka ugu xiisaha badan suuqa, sidaas darteedna ma ahaan doono mid raqiis ah.

Kroos ayaa sidoo kale faallo ka bixiyay bixitaanka Sergio Ramos .

“Waxay noqon doontaa dareen qariib ah, aniga ahaan waa daafacii ugu fiicnaa waqtigeyga, hogaamiye buuxa,” ayuu yiri markuu uu ka hadlay Ramos.

“Ma aqaano waxa qaldamay,

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE