Kooxda Inter Milan oo ku sii dhawaaneysa heshiiska ay kula soo wareegeyso Dzeko

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Inter Milan ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto weeraryahanka Roma Edin Dzeko .

Sky Italia ayaa sheegeysa in Inter ay wadahadalo kula jirto Roma oo ku aadan Dzeko waxayna heshiis la gaareen wakiiladiisa oo ku aadan heshiis labo sano ah.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Bosnia ayaan ku jirin safka koowaad ee guuldarradii 5-2 ee ka soo gaartay Real Betis isbuucaan.

Roma iyo Inter ayaa hadda ka wada xaajoonaya qiimaha xiddiggan.

Si kastaba ha ahaatee, u dhaqaaqista ayaa laga yaabaa inuu dib u dhaco iyadoo Roma ay dooneyso inay hesho bedelka Dzeko ka hor inta aysan u oggolaan inuu u dhaqaaqo kooxda heysata horyaalka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleCiyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Kroos: Waa wax lala yaabo Ramos la’aan; lakin lama yaabin haddii Mbappe yimaado
Next articleRasmi: Roma oo lasoo wareegtay Daafaca bidix ee kooxda Palmeiras Matias Vina


Source: laacibfm

SHARE