Manchester City oo dib u furtay wadahadaladii qandaraas kordhinta ee Sterling

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Photo Getty

Manchester City ayaa diyaar u ah inay dib u furto wadahadalada qandaraaska cusub ee Raheem Sterling .

The Sun ayaa sheegeysa in Sterling uu qarka u saaran yahay inuu dib u bilaabo wadahadaladii uu kula jiray Manchester City ee ku saabsanaa qandaraaska cusub.

Sterling waxaa uga harsan qandaraaskiisa labo sano waxaana lala xiriirinayaa Arsenal iyo Tottenham.

Waxaa jiray xoogaa waqtiyo adag Sterling xilli ciyaareedkii hore isagoo is arkay isaga oo laga saaray safka hore mararka qaar.

Si kastaba ha noqotee, wuxuu ku jawaabay isagoo si weyn uga dhex muuqday England Euro 2020 wuxuuna dhaliyay seddex gool.

ciyaaryahanka garabka ka ciyaara wuxuu hogaaminayay wareegyadii ugu dambeeyay ee wadahadalada qandaraaska laakiin ma uusan awoodin inuu heshiis la gaaro City.

Sterling ayaa weli qayb ka ah qorshayaasha Pep Guardiola ee City inkastoo uu yimid Jack Grealish oo ka yimid Aston Villa .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleMudada uu Phil Foden ka Maqnaanayo Manchester City oo la ogodaaay
Next articleTababaraha Leicester Rodgers oo Xaqiiqda ka sheegay Sheekada Maddison ee Arsenal


Source: laacibfm

SHARE