Mudada uu Phil Foden ka Maqnaanayo Manchester City oo la ogodaaay

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Phil Foden ayaa qarka u saaran inuu seego bisha furitaanka xilli ciyaareedka cusub.

Foden, oo 21 jir ah, ayaa seegay finalkii Euro 2020 ee England ee ka dhacay Wembley oo ay la ciyaareen Italy sababo la xiriira dhaawac lugta ah.

The Telegraph ayaa sheegay in Foden ayaa la filayo inuu garoomada ka maqnaado ilaa bisha soo socota ciyaaraha heerka caalami.

Foden ayaa la sheegay inuu lugtiisa dabciyey intii lagu guda jiray tababarkii England ee isku diyaarinta final-ka Talyaaniga, kaasoo saddexda libaax ay ku khasaariyeen rigoorayaal.

Shaqaalaha caafimaadka ee City, sida warbixinta lagu sheegay, waxay u arkeen dhaawaca mid ‘aan caadi ahayn’ waxayna doonayaan inay eegaan dhinaca taxaddarka si dib loogu soo celiyo kooxda.

Boss Pep Guardiola laftiisu wuxuu muujiyay in City ay tahay inay u samirto kubad sameeyaha ku dhashay Stockport ama ay halis galin karaan hadii uu garoonka soo galo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleRomelu Lukaku oo Shalay ka Maqnaan kulanka Saaxiibtinimo ee Inter Milan
Next articleManchester City oo dib u furtay wadahadaladii qandaraas kordhinta ee Sterling


Source: laacibfm

SHARE