Rasmi: Roma oo lasoo wareegtay Daafaca bidix ee kooxda Palmeiras Matias Vina

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Daafaca bidix ee Palmeiras Matias Vina ayaa dhameystiray ku biiritaankiisa Roma .

Bayaan kasoo baxay Roma ayaa lagu xaqiijinayaa inay bixinayaan € 13m oo lagu daray gunno. Palmeiras waxat sidoo kale heli doontaa boqolkiiba iibkiisa lacag ahaan.

Vina wuxuu saxiixay qandaraas ilaa Juun 2026.

“Waan ku faraxsanahay inay i dooneyso koox sharaf leh sida Roma ,” ayuu yiri Vina.

“Waxaan ku riyoon jiray inaan ka ciyaaro Yurub tan iyo markii aan yaraa, iyo inaan awoodo inaan gaaro hadafkaas anigoo ku ciyaaraya funaanadda Roma waa wax iga dhigaya mid aad u han weyn.

“Ma sugi karo inaan ku biiro tababaraha iyo saaxiibbadayda cusub, ka dibna aan ku ordo garoonka hortiisa taageerayaasheenna.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Previous articleKooxda Inter Milan oo ku sii dhawaaneysa heshiiska ay kula soo wareegeyso Dzeko
Next articleParis Saint-Germain oo Cadeesay Waqtiga ay heli karto Saxiixa Paul Pogba


Source: laacibfm

SHARE