Tababaraha Leicester Rodgers oo Xaqiiqda ka sheegay Sheekada Maddison ee Arsenal

Tababaraha Leicester City Brendan Rodgers ayaan wax cabsi ah ka qabin saxiixa Arsenal James Maddison .

Dawacooyinka ayaa u dabaaldagay koob kale kadib markii ay ka adkaadeen Manchester City oo ay ku guuleysteen Community Shield, kadib guushii FA Cup ee ay ka gaareen xilli ciyaareedkii hore kooxda Chelsea.

Maddison ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Arsenal isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin tababaraha Leicester Rodgers ma heysto wax sabab ah oo uu ku aamino in qadka dhexe ee weerarka uu ka tagayo kooxda.

“Hurdo kuma lumiyo xanta iyo mala-awaalka,” ayuu yiri ciyaarta ka dib, BBC-da .

“Sida muuqata kama walwalsi, arinta ku aadan James ee Arsenal.

“Waxaan nahay naadi hormarisa ciyaartooyda iyo shaqaalaha, taasoo la micno ah in mar walba si weyn loo xushmeeyo.

“James waa xidig halkan jooga, horumar sameeyay noqdayna ciyaaryahan aad u tayo badan.

“Wuxuu ku raaxeysanayaa waqtigiisa halkaan, marka laga reebo, wax badan oo la sheego ma jiraan.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE