Falanqeynta: Kulanka Chelsea Vs Villarreal ee UEFA Super Cup, Shaxda, iyo Xidigaha Dhaawaca ah

Kooxda Chelsea oo soo qaaday Champions league iyo Villarreal oo iyana soo qaaday Europre League ayaa wada ciyaaraya koobka Super Cup, labada kooxood ayaana ku kulmaya ciyaar ka dhicidoonta Windsor Park.

Chelsea Vs Villarreal

Tartanka Super Cup

Saacada Africa 22:00 pm habenimo – Europe 21:00 Habenimo

Garoonka Windsor Park

Chelsea

Chelsea ayay u badan tahay inay ka maqnaan doonaan Mason Mount, Thiago Silva, Reece James, Ben Chilwell, Cesar Azpilicueta iyo Jorginho. Lixda ciyaartoy midkoodna ma ciyaarin kulamadii saaxiibtinimo ee ilaa hadda.

Tiemoue Bakayoko, Trevoh Chalobah, Ross Barkley, Ruben Loftus-Cheek iyo Davide Zappacosta ayaa laga saaray liiska 26-ka ciyaaryahan ee ku meel gaarka ah ee kulankaan.

Romelu Lukaku ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo inuu yahay ciyaaryahan Chelsea ah laakiin kulankan uma badna in uu ciyaaro madama wali heshiiskiisa aan la shaacin

Shaki: Mason Mount, Thiago Silva, Reece James, Ben Chilwell, Cesar Azpilicueta, Jorginho

Villarreal

Villarreal ayaa la soo wareegtay xiddigo ay ka mid yihiin Boulaye Dia, Juan Foyth iyo Aissa Mandi. Samuel Chukwueze ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib markii uu ku dhaawacmay kulankii semi-finalka Europa League ee Villarreal. Dani Parejo waxa uu ku maqanyahay dhaawac kubka ah.

Pau Torres ayaa Spain u matalay ciyaarihii Olombikada waana fasax. Cabsida Covid-19 ee xerada Villarreal ayaa laga yaabaa inay saameeyaan ciyaartoydii Etienne Capoue, Francis Coquelin, Geronimo Rulli iyo Vicente Iborra.

Shaki: Etienne Capoue, Francis Coquelin, Geronimo Rulli, Vicente Iborra, Dani Parejo

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Chelsea XI (3-4-2-1): Edouard Mendy; Cesar Azpilicueta, Kurt Zouma, Antonio Rudiger; Mateo Kovacic, N’Golo Kante, Marcos Alonso, Callum Hundson-Odoi; Kai Havertz, Hakim Ziyech; Timo Werner

Villarreal XI (4-4-2): Sergio Asenjo; Juan Foyth, Aissa Mandi, Raul Albiol, Alberto Moreno; Manuel Morlanes, Manu Trigueros, Yeremi Pino, Alfonso Pedraza; Fernando Nino, Gerard Moreno.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

taariik ahaan kulankan ayaa noqondoonaa kii ugu horeeyay ee iska horyimaadaan Chelsea iyo Villarreal.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE